Warbaahinta dalka Kenya ayaa maanta si weyn u qaadaa-dhigaysay weerar hubaysan oo sida la sheegaya, jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ka fuliyeen deggaanka tirsan gobolka Mandheera oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumeysiga Kenya.
Wargeyska The Star oo ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer Kenya, ayaa ka mid ahaa warfidiyeennadii sida weyn u tebinayay dhacdadan, isagoo sheegay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen, weerar gaadmo ah oo lagu qaaday gaari ciidan oo galbinayay askar iyo shaqaale Kenyaati ah.
Sida uu booliska sheegay, weerarka ayaa subaxnimada Talaadadii maanta ka dhacay, deegaanka Koromey oo ku yaal waddada Carabiya. Waxaanay kooxdu ay rasaas ku fureen gaari amni oo galbinayay injineerro iyo shaqaale kale oo qaabilsan dhismaha waddooyinka.
Booliska ayaa sheegay in toddoba qof ay isla goobta ku qur-baxeen. Waxaanay warbixinnada hordhaca ah ee boolisku ay tilmaamayaan in shan ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen injineerro qaabilsan dhismaha waddooyinka, halka labada qof ee kale ay ahaayeen xubno ka tirsan waxa loogu yeero kaydka Booliska Kenya.
Darawalkii gaariga ciidanka ee la weeraray ayaa markii hore la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo culus oo rasaas ah, waxaana loola cararay cisbitaalka Mandheera. Hase yeeshee, warbixinno dambe ayaa xaqiijiyey in darawalka laftiisu uu geeriyooday intii loo sii waday cisbitaalka.
Weeraryahannadu waxay si gaar ah u beegsadeen ciidamadii galbinayay kooxdan Injineerrada iyo shaqaalaha isugu jirtay, arrintaas oo mar kale walaac ka abuurtay ammaanka shaqaalaha Kenyaanka ah ee ka ka hawl-gala dhulka Kenya ay xoogga ku haysato.
Weerarkan ugu dambeeyay ayay warbixintu xustay in uu muujinayo caqabadaha amni ee ay wajahayaan shaqaalaha dadka Kenyaatiga ah ee aan muslimiinta ahayn. Waxaanu boolisku sheegay in xiisadda amni ee deggaanadaasi ay sii kordhaysay muddooyinkii u dambeeyey, iyadoo ay jireen cabsi laga qabay weerarro ay geysato kooxda Al-Shabaab.
Tusaale ahaan, dhammaadka toddobaadkii hore, kooxda Al-Shabaab ayuu wargeysku sheegay in xilli habeennimo ah ay isku mar weerareen saldhig boolis iyo xero ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka ee hay’adaha kala duwan, oo ku yaalla gobolka Gaarisa.
Sida uu wargeysku carabaabay, isla waqtigaas, xerada Gisireeb oo ay deggan yihiin ciidamo ka kala socda hay'ado kala duwan oo amniga ka shaqeeya, ayaa waxaa dhanka koonfureed lagaga soo weeraray rasaas xooggan oo laga furayay qori noociisu yahay PKM.
